Qarax iyo Rasaas Culus oo Ka Socota Xabsiga Dhexe ee Xamar & Khasaare ka Dhashay…

Security Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa qarax iyo rasaas xooggan laga maqlayo gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo la sheegaayo inay ku dagaalameen Dambiile Dil ku xukunaa iyo Xoogaga Amaanka Xabsiga ee gacanta ku haya xabsiga waxaana ka dhashay khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah maxaabiista uu hub gacanta u galay oo ay dagaalamayaan, Shaqaaqadaan ayaa socotay muddo Saacad iyo bar, iyadoo la xaqiijiyay dhaawacyo kala duwan sy dhinacyadaan soo kala gaareen, Dadka ka agdhow xabsigan ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas xoogan oo laba dhinac ah.

Inkastoo la xaqiijiyay iney istaagtay Rasaastii ka socotay gudaha Xabsiga isla markaasna la dilay Dambilihii weerarka bilaabay waxaase is-weydiin mudan Yaa u Fududeeyay Qoriga & Bam-ka uu weerarka ku bilaabay, Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray Xabsiga dhexe, waxaana la xiray xeyndaabka xabsigaasi.

335500cookie-checkQarax iyo Rasaas Culus oo Ka Socota Xabsiga Dhexe ee Xamar & Khasaare ka Dhashay…