Baaq ay ka Soo Saareen Kaluumeysatada Soomaaliyeed Shaqo la’aanta Xiligaan Xagaaga

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in ka badan 400 boqol oo kulluumeysato ah Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinayana shaqo la’aan xoogan oo xiligaan la soo daristay, iyadoo lagu sababeeyay Dabeylaha…

Caadiyan, Xilliga xagaaga waxaa yaraada kalluunka laga soo jilaabto xeebaha Dalka, Shaqo la’aantaan ayaa sabab u ah dabeylaha socda xilligan xagaaga ah, waana kuwo ka cabsanaya iney naftooda khatar galiyaan, maaddaama mowjadaha baddu ay aad u kacsan yihiin.

Doomaha yar yar ee ay wataan, ayaa ah kuwa aanan saamaxeynin, iney gaaraan meelo dhaadheer, badda oo kacsan awgeed, taasoo ah arrinta soo de-dejisay inuu yaraado kalluunkii badda laga soo jillaaban jiray, iyaguna ay noqdaan shaqo la’aan.

Gudaha magaalada Muqdisho, qiimaha kalluunka ayaa sara u kac aad u ballaaran ku yimid, kadib markii uu aad u yaraaday Kaluunka Suuqyada la keeni jira, waana arrin keliftay in dadka inta badan ay iibsadaan hilibka xoolaha.

210520cookie-checkBaaq ay ka Soo Saareen Kaluumeysatada Soomaaliyeed Shaqo la’aanta Xiligaan Xagaaga