Maxaa ka Dhab ah in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka uu Booqnaayo Dalalka Ethiopia & Kenya

Somalia news

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa maanta lagu wadaa inuu safar shaqo ku gaaro Magaalada Addis Ababa, isagoo halkaasi kula kulmi doona Mas’uuliyiinta Dalkaasi iyo kuwa Degaanka Soomaalida Ethiopia..

Xogtaan ayaa sheegtay in sidoo kale Mr.Xamze uu tegi doono magaalooyinka Bahardar iyo Jigjiga (xarunta Kilinks Soomaalida), kadib socdaalkiisan Ethiopia waxaa u qorsheysan inuu safar kale ku tago magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Bangiga dhexe ayaa maanta laga qaaday lacag dhan $300kun oo Dollar, taas oo ah Sahayda Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa.

Warar ayaa horey u sheegay in Dowladda Ethiopia ay aad uga carootay magacaabista Ra’iisul wasaaraha, iyadoo dooneysay in lagala tashado Muwaadinka Somaliga ah ee loo Magacaabaayo Xilka, waxeyna wadatay tiro 3-xubnood ah oo ka soo jeeda degaanada Puntland.

218590cookie-checkMaxaa ka Dhab ah in Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka uu Booqnaayo Dalalka Ethiopia & Kenya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com