Khilaaf Xoogan Oo U Dhaxeeya Farmaajo & Cumar Finish

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo bilihii ugu dambeeyay u dhaxeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) & Gudoomiyaha Gobolka Benadir (Cumar Finish), Khilaafkaan ayaa salka ku haya Arrimaha Maamulka, Dhaqaalaha Benadir iyo Boobka dhulka Oo markii Hore ay heshiis ku ahaayeen…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in xubno ku dhow Saraakiisha Villa Somalia ay ku fasireen Xil Ka qaadista Duqa Magaalada Mogadishu iney sabab u tahay Fadeexad dhul dan Guud ahaa oo laga iibiyay Ganacsato, Fadeexadaan ayaa lugaha la gashay Farmaajo, Afadiisa Saraakiil ku heyb ah, wuxuuna (Farmaajo) doonayaa inuu Eedaha dhulka Boobka dusha u saaro Cumar finish si uu olole doorasho uga dhigto.

Xil ka qaadistaan ayaa lagu wadaa iney soo baxdo maalmaha soo socda, iyadoo la diyaariyay cidii lagu bedeli ahaa, inkastoo Cabsi weyn laga qabo in Khilaafkaani uu horseedi gacan ka hadal, Duqa Magaalada Mogadishu ayaa la sheegay inuu Farmaajo xiligaan awood u laheyn inuu Xilka ka qaado maxaa yeelay Sharciyad uma heysto.

148620cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo U Dhaxeeya Farmaajo & Cumar Finish