Macluumaadka Maxaabiistii Fulisay Weerarka Xabsiga Dhexe iyo Khasaaraha Ka Dhashay…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Dambiilayaashii fuliyay Weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasoo khasaaraha. ka dhashay uu gaaraayo 10-Qof iyo Dhaawaca oo lagu sheegay 18-Qof, iyadoo la xaqiijiyay in si fudud loo geliyay Bam-Gacmeed iyo Bastoolado..

Waxeyna Dambiilayaashani weerar ku qaadeen ilaaladii xabsiga, iyagoo muddo saacado ah ka dhex dagaalamay gudaha xabsiga, dhamaan Maxaabiistaan ayaa horey loogu helay dembiyo dil bareer ah iyo iney ku lug lahaayeen qaraxyo ka dhacay magaalada Mogadishu, waxeyna kala ahaayeen magacyadoodu:-

– Axmed Sahali Cali oo xukun Dil lagu riday Jan. 2023

– Ismaaciil Xasan Salaad Nuur oo xukun xabsi daa’in ah ku xukunaa.

– Fu’aad Aadan Cabdi oo Dil lagu xukumay April 2024

– Liibaan C/llaahi Weheliye oo iska Dil lagu xukumay April 2024.

– Maxamed Daahir Abuukar (Ibraahim) oo laba jeer Dil lagu xukumay 2022.

Waxaa la rumeysan yahay in Hubka iyo Bam-Gacmeedka si qarsoodi ah oo loo fududeeyay lagu geliyay gudaha Xabsiga, iyadoo mid ka mid ah Dembiilayaasha lagu helay weeraro ka dhacay magaalada Mogadishu gaar ahaan weerarkii Xafiiska Duqa Magaalada Mogadishu iyo weerarkii bishii Julay ee ka dhacay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee sanadkii hore.

Iyadoo Maxbuus 2-aad la sheegay inuu qeyb ka ahaa Weerarkii Hoteelka Xayaat ee bishii Agoosto 2022 kaasoo galaaftay nolosha 21-Qof, ku darsoo Falkaan waa markii 2-aad muddo 4-sano gudahood, iyadoo bishii Agoosto 2020-kii ay Maxaabiis Kooxda Argagixisada Shababka ka tirsan ay Sidaan oo kale Hub si fudud loogu geeyay, iyagoo isku dayay iney Xarunta Xabsiga Qabasadaan, waxaana gadoodkaasi ka qeyb qaatay 16-Maxbuus mid ayaana baxsaday.

335540cookie-checkMacluumaadka Maxaabiistii Fulisay Weerarka Xabsiga Dhexe iyo Khasaaraha Ka Dhashay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com