Xiisado Ka Taagan Madiina Gate Ee Garoonka Diraaradahs Ee Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya xiisado ka taagan Madiina Gate Ee isbaarada Ciidamada Amisom u taal si aad gudaha ugu gasho garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, kadib markii loo Diiday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Sarkaal katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ay Ciidanka Amisom ay u diideen in Gaadiidkiisa iyo Askar la socotay ay gudaha u galaan Air port-ka ayaa xirtay wadada Madiina GATE oo kamid ah jidadka laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Sarkaalkan ayaa diiday in laga soo baxo ama la galo garoonka, isaga iyo Ciidankiisa oo isku dhinac ah iyo Amisom oo dhinac kale ah ayaa halkaas isku hor fadhiya, Amisom ayaa lasoo baxday baabuur dagaal oo waaweyn, shacabkii iyo shaqalaha garoonka ayaana halkaas ku xayiran.

102570cookie-checkXiisado Ka Taagan Madiina Gate Ee Garoonka Diraaradahs Ee Mogadishu