Wasiirkii hore ee Maaliyada Oo ka Degay Magaalada Hargeysa

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Maaliyada Dowladdi hore, Mr.Abdirahman Dualeh Beileh uu shalay galab gaaray xarunta maamulka Somaliland, kadib muddo dheer oo uu ka maqnaa…

Mr.Beyle oo tan iyo markii uu isaga tagay Muqdisho bartamihii 2022-kii, ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa cafis ka dalbaday maalmo ka hor maamulka Muuse Biixi, waxaana sugitaan dheer iyo shuruudo lagu xiray oo uu aqbalay loo ogolaaday inuu ka dego Hargeysa, isagoo halkaasi ka dhistay Hotelka Jabal.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Beyle uu cafis ka dalbado, tagana degaanada Somaliland, isagoo ka soo jeeda magaalada Boorame, balse xogaha ayaa sheegaya in arrimo gaar ah uu u gaaray oo u badan Ganacsi iyo kuwo kale halkaasi.

245240cookie-checkWasiirkii hore ee Maaliyada Oo ka Degay Magaalada Hargeysa