Cabasho Ka Soo Yeertay Shaqaalaha Gobolka

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in Shaqaale Dowladda hoose ee Muqdisho, aysan weli helin Gunooyinkii ay ku shaqeyn jireen bishii dhamatay, halka Shaqaalaha Dowladda dhaxe Lasiiyay shaqaalaheeda 21kii bishii dhamaatay…

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Maamulka Gobolka Benadir, oo xiliyadii ugu dambeeyay ay la sheegay in Maamulka uu dhaqan ka dhigtay in tacadiyo lagula kaco Shaqaalaha, lana duudsiiyo Xuquuqda, iyadoo mar walba ay dhaco isbadal dhanka Maamulka ah Maaliyada Shaqaalaha waxaa Soo gaara Gunno la’aan, Sidoo kale Xiliyada kala guurka ama doorsho ay Soo dhowaato, waxaa bilaawda boobka Dhaqaalaha gobolka.

Shaqale badan oo Ka tirsan Gobolka oo aan si hoose u Wareysanay ayaa noo sheegay in Ay ku nool yihiin Silic dhinac walba ah, bishii Junne ayaa Maanta 4- ah Mana haysano Gunooyinkii bishii Dhamaatay ee May, Ayuu Mid kamid ah Shaqaalaha gobolka sheegay, Wuxuuna intaasi raaciyay insheegay inuu Qaato 300- US$ Bishii, Isagoo haysta Shahaado Jaamacadeed.

39510cookie-checkCabasho Ka Soo Yeertay Shaqaalaha Gobolka