Maqaalka Caafimaadka:-Hanaanka Beerka Looga Sifeeyo Sunta iyo Wasakhda..

Uncategorized

Beerka wuxuu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhamaantood lagama maarmaan ah, adeegaasi waxaa ka mid ah burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoono kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cuno shiidista…

Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta, Waxa uu jirka ka sifeeyaa walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals” kuwaas oo si wayn u dhaawaca jirka, cudurro badana keena, Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beerku u nugul yahay in dhaawac uu soo gaaro sababo la xiriira Degaanka iyo kuwa dhanka cunada ah sida Raashinka dufanku uu ku badan yahay iyo kuwa warshadaysan.

Beerka oo sunta laga sifeeyo, waxay muhiim u tahay inuu si habsami leh u shaqeeyo. Caafimaad darada beerku waxa ay keeni kartaa cudurro badan oo halistooda leh, waxaana lagu sifeyn karaa :-

Toonta

Toontu Waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican ee beerka looga sifeeyo sunta. Waxaa ku jira maadooyinka “allicin” iyo “selenium” kuwaas oo jirka ka sifeeya sunta. Isticmaal dhowr gabal oo toon ah si aad jirkaaga uga sifeyso sunta.

Badarka

Badarku waa cunno kale oo uroon sunsaarista beerka. Waxaa ku jirta maadada “gluten” oo si dabiici ah beerka uga nadiifisa sunta

Saliid saytuunta

Saliidani waxa ay caawisa hannaanka sunsaarista beerka. Waxa ay jirka siisaa dufan ka nuuga sunta,Laba malqacadood oo saliid saytuun ah ku dar biyaha liin dhanaanta oo joogto u cab, waxa ay nadiifisaa beerka.

Khudradda caleemaha cagaaran

Khudradda cagaaran waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “chlorophyll” oo sunta ka sifeeysa dhiigga.

Tufaaxa

Waxaa ku jirta maado loo yaqaano “Pectin” oo dheefshiidka u roon, kuna caawisa mindhicirrada in aanay nuugin wixii jirka halis ku ah, marka waxay beerka ku caawinaysaa cunno laga soo reebay qashinkii in beerka la geeyo sidaasna shaqada ay ku yaraato.

Shaaha cagaaran

Shaaha cagaaran waxaa ku jira maadooyin jirka sunta ka saaro oo loo yaqaanno “catechins” kuwaas sifeeya dufanka ku uruura beerka. Shaaha cagaaran oo maalin kasta la cabbo waa habka ugu fiican ee sunta looga nadiifiyo beerka.

Liin dhanaanta

Liin dhanaantu waxay ka dhigtaa sunta mid ku milmi karto biyaha taas oo fududaynaysa in jirka si fudud looga saaro, waxayna kobcisaa shaqada beerka, waana sababta loogu dardaarmo in aroorta hore la cabbo cabitaanka liin dhanaanta ee fresh ka ah.

Huruuda

Huruudda waxay ka mid tahay cunnooyinka uroon beerka, waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo “curcumin” taas oo leh awood sunsaaris iyo lid-huriye. Maadadani waxa ay dedejisaa qulqulka dheecaanka “bile”, waxayna beerka ka sifeysaa sunta.

336340cookie-checkMaqaalka Caafimaadka:-Hanaanka Beerka Looga Sifeeyo Sunta iyo Wasakhda..