Digniino Laga Soo Saaray Miinooyon lagu Aasay Duleedka Magaalada Mogadishu…

Uncategorized

Kadib markii ay kordheen howlgalada lagu beegsanaayo Kooxda Argagixisada Shababka oo Maxkamado beeneed ah ugu yeera Ganacsatada iyo Muwaadiniinta kana hirgeliyay duleedka magaalada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Miinooyin ku aaseen goobo dhowr ah daafaha magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Howlgal ay ka fuliyeen Ciidamada Dowlada Federaalka wadada hormarta xerada Ciidamada ee Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayeey ku qarxiyeen miinoyin, xeradaan ayaa ka mid aheyd 6-fariisin oo Ciidamada ATMIS ku wareejiyeen dhawaan Ciidamada Dowlada Federaalka.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Amaanka, ma jirin waxyeelo ay geysteen qarxinta Miinooyinkaasi, inkastoo Dowkadda aysan weli soo bandhigin xog rasmi ah, iyadoo Degaanka Ceelasha Biyaha laga soo sheegaayay maalmihii ugu dambeeyay xaalad Amni xumo, kadib markii ay kordheen weerarada lagu hayo Ciidamada ku sugan fariisinka Arbacow.

267910cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Miinooyon lagu Aasay Duleedka Magaalada Mogadishu…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com