Tartanka Garabyada Galmudug Isku Haya..

Uncategorized

Kadib markii uu ku fashilmay Mr.Xasan Cali Kheyre oo muddo sanad ah isaga daba noqday Magaalada Dhuusa mareeb, isla markaasna 3-Garab u kala Jabay Dhinacyada Isku heysta Maamul u dhisida Galmudug, ayaa Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Mr.Farmaajo u xir xiran yahay inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah Lataliyeyaasha ayaa u sheegay Aarka Diinah blogs in Mr.Farmaajo uu la fariisan doono dhinacyada khuseysa siyaasadda Galmudug oo ay ugu horeeyaan hoggaanka Ahlu suna iyo Garabka Gaalkacyo kuwaasoo ka mid ah saamileyda ugu adag ee diidan dhismaha maamul musuqmaasuq iyo laaluushu lagu dhisay.

“Dowladda Federaalka Somaliya, maadaama dowladdii wadanka ay tahay inay u tanaasusho Shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug, ay dhageysato oraahdooda, amnigooda iyo rabitaankooda, wax kalena aan laga dul keenin, taana dowladda waa u sii iftiimin lahaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha ay doorteen Xildhibaanada garabka Ahlu Sunna.

Garabka Gaalkacyo oo horey ugu dhawaaqay Iney Soo xusheen Xildhibaano ayaa la filayaa iney dhowaan doortaan Madaxweyne, waana ayaan darro in siyaasad iyo qorshe xumida Maamulka Farmaajo uu u horseedo maamul lagu mideysnaa inta uu dhaqaalaha Magaalada Muqdisho ku burburiyo.

13910cookie-checkTartanka Garabyada Galmudug Isku Haya..