Villa Somalia Oo Qandaraas Ku Siisay Dagaal Oge..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ayaa laga soo sheegayaa heshiis hoose oo ay wada gaareen Mr.Faraamjo iyo Xubno Xildhibaanoniyo Senator laga soo doortay degaanada Gobolka Mudug, kuwaasoo qandaraaska lagu siiyay iney Madaxweyne Xaf ka soo safraan konfurta magaalada Gaalkacyo iyo In Horjooge Qorqor la geeyo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo.

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u sheegay, In Xildhibaanad Ubax Tahliil Mr.Cabdirkamiin Guuleed iyo Senator Cabdi Qeybdiid, ayaa qandaraaska lagu siiyay Xaaf iney war cad ka keenaan,islamarkaana dhaqaalo badan ay ku siisay Villa Soomaaliya sidii uu madaxweyne Xaaf u qancin lahaa, isla markaasna loo balanqaaday in Qanadaraasyada Shirkadaha Shidaalka loo siin lahaa hadii uu ka tanaasulo sheegashadiisa Madaxweynimo.

Mr.Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay Xildhibaano kuwaas oo ugu dambeyntii doortay guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku-xigeenka,wuxuuna Axmed Ducaale Geele Xaaf shaaciyay inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug.

16510cookie-checkVilla Somalia Oo Qandaraas Ku Siisay Dagaal Oge..