Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka oo Weerar ku Qaaday Maqaayada Beach View & Khasaare ka Dhashay..

Security Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa weerar khasaarw balaaran geystay oo ay ku qaadeen Maleeshiyaadka Maleeshiyaadka kooxda Aragixisada Shababka Maqaayad ku taal Xeebta Liido ee Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegaya in Weerarkaan uu ku bilaawday qaraxa xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayada Beach View oo ku taalla xeebta Liido, waxaana goobjoogayaal sheegayaan in dabley hubeysan ay galeen tiro maqaayado ku yaalla xeebta Liido oo ay Dad badan joogeen kuwaasoo dilay tiro badan oo Dadkaasi ka mid ah.

Waxaa Goobahaasi gaaray Ciidamada Amaanka iyo Gaadiidka Gurmadka deg deg ah, waxeyna Xoogaga Amaanku isku dayayaan iney joojiyaan xasuuqaan balse uma suurto gelin, Maleeshiyaadka ayaa Dadka isugu geeyay Xeebta kuwaasoo ku toogteen Dad aad u tiro badan inkastoo aan laheyn tiro sax ah.

337960cookie-checkMaleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka oo Weerar ku Qaaday Maqaayada Beach View & Khasaare ka Dhashay..