Maxaa laga filan karaa doorashada 15ka May, Musharaxee ku soo bixi kara? 

Somalia news

Muwadiniin badan ayaa aaminsan in Doorashada 15-may ay noqon doonto mid taariikhi ah, iyadoo Senatorada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ay dooran doonaan Madaxweynihii 10-aad tan iyo sanadkii 1960, inkastoo 37-Musharixiin ah ay isku soo taageen Tartanka Xilka Madaxweynaha hadana waxaa la saadaalinayaa inuu taranku noqon doonto mid adag…

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay isbedelo ku imaanaayay Xildhibaanada iyagoo u kala jajabaayay Isbaheysiyo iyo kutlo gaar ahaan kuwa Waqooyiga iyo Xildhibaanada Konfur galbeed, waxaana abuurmay kuwo cusub oo dhinacyo badan looga gacan haayay balanqaadyo dhaqaale loo sameeyay.

Doorashadan waxaa ku hardamaya Isbahaysatada Mucaaradka ee halku dhigoodu yahay “isbadal doon” iyo kan Farmaajo oo halku dhagiisu yahay “Isbedelka socda”,  Badanaa sidaan uga baranay doorashooyinkii hore ee dhacay,  ilaa sadex wareeg ayaa lagu kala adkaan doonaa, dadka wareega labaad u soo bixi doonana waa 4-Musharax waa hadii tiro isku dhow ay helaane 40-100, halka wareega 2-aad ay hari doonaan laba Musharax 2, kuwaasoo u sii gudbi doonaan wareega ugu dambeeya.   Sidaa awgeed.

Waxaad moodaa in 5-ta Musharax ee ugu cadcad yihiin Hassan Sheekh, Saciid “Deni”, Shariif Axmed, Khayre iyo Maxamed “Farmaajo”, iyadoo Cabdiraxman Cabdishakuur iyoXasan Cali Kheyre, musharixii ka gudba 40-Cod uu wareega 2-aad u gubdi doono, Waxaan saadaalin (qiyaas) ku dul isaagi doonaa doonaa Musharax kasta si aan u eegno tirade cod bixiyayaal ee uu isku halaynayo, awoodaha shisheeye ee danaha gaarkaa kal leh dalkeena cida ay kala taageersan yihiin, is xulafaysiga siyaasadeed, iyo caqabadaha ku iman kara musharaxiintaasi.

Sheekh Shariif Sheekh Madaxeynihii hore, wallow uusan xertiisii ku guulaysan inuu ku daro baarlaamka tagay, midka cusubna ku lahayn xildhibaano badan, laakiin wuxuu taageero ka haystaa beesha uu kadhashay ee Abgaal, qaar ka mid ah Xildhibaanada Digil iyo Mirif, iyo Xildhibaano ka mid ah kuwa deegaamada kale.  Qiyaas 25 ilaa 50 Xildhibaano ayuu haystaa.

Maxamed “Farmaajo”:- sida laga qiyaas qaadan karo Xildhibaannada taageerayaasha u ah Farmaajo ee u codeeyay xubnihii uu u sharaxay inay ka mid noqdaan gudoonka Baarlamaanka wuxuu haystaa inta u dhaxaysa 50 ilaa 60 Xildhibaan.

Xassan Sheekh Maxamuud:  Waa madaxweynii keli ahaa ee ku guulaystay inuu xertiisa siyaasadeed ee isaga taabacsan ka mid dhigo xubnaha baarlamaankii hore, inkastoo uu ka gaabiyay inuu saameyn ku yeesho Xildhibaanada Beeshiisa hoose, hadana waxaa badankoodii ay soo noqdeen Xubnahaan oo badankoodu kasoo jeedaan labada maamul goboleed ee Hir-Shabeele iyo Gal-Mudug, ragaasoo ay ugu cadcad yihiin, Odawaa, Mahad Salaad, Cali Balcad, Sacdiyo Salaad, Cabdirisaaq Cumar iyo kuwo kale..  Waxaa la qiyaasayaa ilaa 40 iyo 55 Xildhibaan oo uu isku halayn karo inuu ka haysto xubnaha cusub ee Baarlamaanka 11aad.

Saciid Cabdullahi “Deni”:  Madaxweyne Deni wuxuu isku halaynayaa ama haystaa inta badan Xildhibaanada Puntland iyo Jubbaland kuwaasoo uu ama gacantiisa kusoo xushay una badan wasiiradii maamulkiisa Puntland ama uu saaxiibkiisa siyaasadeed waa Madoobe uga soo xulay Jubbaland, Qiyaas ahaan tiro u dhaxaysa 45 ilaa 55 xildhibaan ayuuna isku halaynayaa.

Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Xassan Ali Khayre, ayaa la saadaalinayaa iney isku keeni karaan Xildhibaano aan ka badneyn 20/25 Musharixiiba wuxuu isku halaynaa xildhibaanada Beelaha H/G iyo Karanle iyo kuwo Waqooyiga.

Danaha Dowladaha Shisheeye:- Dowladaha Qatar, Turkey & Ethiopiaayaa taageero dhaqaale la diyaar u ah Farmaajaha fashilmay, halka UAE, Sacuudiga Djibouti iyo Kenya ay taageersan yihiin Tiro Musharixiin ah si Dalka isbedel dhanka Maamulka uga dhaco, iyadoo sidoo kale Ururo Diimeed sida Akhwaanul Muslimiin ay daaha gadaashiisa ka riixayaan Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Saciid Dani iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaase Doorashada sanadkaan saameyntoodii doorkoodii la tabay Ururka Al-ictisaam, iyadoo fashilka muqasho la’aanta Ururka loogu eedeeyay Fahad Yasin.

Marka laga reebo Musharixiinta ugu cad cad Oo laga yaabo iney ka mid noqdaan kuwa wareega 2-aad u soo bixi doona, waxaase hubaal ah inuu dhici doono in isbaheysi Washamsi lagu qaado Musharaxa:-
Yaa ku soo bixi doono Wareega ugu dambeeya:-

188700cookie-checkMaxaa laga filan karaa doorashada 15ka May, Musharaxee ku soo bixi kara? 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com