Maxaa ka Hortaagan Hiigsiga Xasiloonida Dowladnimo iyo in Is-bedel Siyaasadeed la helo..

Somalia news

Maamulka Villa Somalia oo bilihii ugu dambeeyay yabooh ugu raadinaayay sidii Taageero Siyaasadeed, Dhaqaale, Hub & Saanad loogu heli lahaa Gulufka, iyadoo la hordhigay Dalal badan ayaa waxaa ka soo jawaabay Dalalka USA, Turkiga iyo Midowga Africa, iyadoo Howlgalkaan lagu qeexay “Ololihii ugu balaaran ee sanadihii ugu dambeeyay lagu beegsado Kooxda Argagixisada Shababka…

Degaano dhowr ah oo ku yaal bartamaha Somalia ayaa laga saaray Maleeshiyaadkaan hadda waxaa kaabiga lagu hayaa Degmada Ceel buur oo xarunta ugu weyn aheyd kooxda Shababka, inkastoo Dad badan ay aamisan yihiin in hiigsigaan uu ku adkaan doono Villa Somalia, iyagoo sabab uga dhigay in uusan jirin Qorshe cad, marka laga soo tago in Derbiyada Xafiisyada Madaxweynaha lagu xardhay Liis ka kooban 10-Qodob, waana sababtaasi tan tuhunka gelineysa Dadka Diidan Qorshahaan iyagoo ku soo koobay aragtidooda “koox NGO ah oo macaash doon ah Dalku gacanta u galay.

Ku darsoo wakhtigaan xaadirka ah Somalia waxaa kuraasta Xildhibaanada iyo xilalka saameynta leh ee Dowladda lagu qeybsadaa Nidaamka 4,5, waxaana taagan xalinta Nidaamka Demuqaradiyeynta, hanaanka Dowlad dhiska iyo sidii Dowlad dhexe oo tayo leh Somalia loogu dhisi laha, iyadoo laga bilaabaayo Adkeynta Amniga, xal u helida Kooxda Gooni goosadka Waqooyiga Somalia iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Laas caanood.

252360cookie-checkMaxaa ka Hortaagan Hiigsiga Xasiloonida Dowladnimo iyo in Is-bedel Siyaasadeed la helo..