Kulan Looga Dooday Hufnaanta Doorashada Oo Dhacay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulan fogaan arag uu xalay la yeeshay Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasoo diiradda lagu saaray qodobada ay ka mid yihiin hanaanka daah furnaanta Xulshada dadban ee Dalka…

Sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble wajiga hore ee kulanka waxaa warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, isagoo faahfaahin ka siiyey dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaan la’aanta laga tirsanayo iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale xubno matalayay Midowga Musharaxiinta ayaa ka qeyb galay kulanka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdirahman Cabdishakuur.

Musharaxiinta ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro hufnaanta doorashooyinka, waxaana lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka.

156480cookie-checkKulan Looga Dooday Hufnaanta Doorashada Oo Dhacay