Maxaa Dib u soo Nooleeyay Khilaafka Ururo-Diimeedka Ahlu-sunnah & Ictisaamka..

Somalia news

Waxaa dib u soo laba kacleeyay Khilaafka u dhaxeeya Taageerayaasha Ururo-Diimeedka Ahlu-Sunnah iyo Ictisaamka, iyadoo Khilaafkani uu dab ku sii shiday Hogaanka Jilicsan Xiligaan ka arrimiya Villa Somalia oo la saftay Kooxda Ictisaamka kadib markii Wasaarada uu u magacaabay Xubin ka tirsan Ururka Ictisaamka..

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah Culimada Ahlu Sunnah ayaa sheegay iney iska diideen ka qayb-galka shirweynaha Culimada, isagoo sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna.

Isagoo eedeymo culus u jeediyay Hogaanka Villa Somalia iney la safteen Horgalada Urur-Diimeedka Al-Ictisaam isla markaasna burburiyay Guddigii sare ee Culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah Masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto qaarkoodna Gacan ka hadal dhiig ku daatay ka dhaceen.

Hogaamiyayaasha Ururka Ahlu-Sunnah ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin Wasiirka Arrimaha Diinta xiligaan Hogaanka u haya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, wuxuuna ugu baaqay Xoogaga Darioqooyinka Ahlu-Sunnah inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo.

338070cookie-checkMaxaa Dib u soo Nooleeyay Khilaafka Ururo-Diimeedka Ahlu-sunnah & Ictisaamka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com