Si looga Hortago Kobaca Shababka Dowladda Federaalka Waa iney Hirgelisaa Barnaamijyada Dhiiri-gelinta Dhalinyarada  

Somalia news

Madaxweynaha cusub ee dhowaan la dhaariyay ayaa waxaa horyaala caqabado dhowr ah Oo isugu jira Abaar ba’an Oo Dad iyo duunyo galaafatay, isla markaasna laga cabsi qabo iney saameysay 6-million Oo Soomaali ah, Dagaalka kooxaha argagixisada Oo muddo soo xoogeysanaaya iyo Maamul xumo baahsan kala qeybsanaan Siyaasadeed Oo Ka dhex Taagan Maamulada Gobolada iyo Dowladda Federaalka…

Caqabadahaan muuqda ka sokow, dhibaatada ugu weyn ee u baahan in si dhab ah loo wajaho ayaa ah kororka joogtada ah ee weerarada Kooxda argagixisada Shababka, Maleeshiyaadkaan ayaa sii wada diiwaangelinta iyo hubeynta Caruurta kuwaasoo uu xaabo uu dagaalka ku shito ka dhigtay, heshiis la’aanta Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada ayaa xudun u ah mushaakilka taagan ee Amni darrada.

Warbixinada soo baxaaya ayaa muujinaaya adeegsiga caruurta dagaalada iyo ururinta macluumaadka xeryaha Ciidamada iyo gudbinta hubka, iyadoo Caruurtaan Oo qaarkood aan qaan-gaarin Laga dhigo, Basaasin, gudbinta Saadka iyo Rasaasta, cunto kariyayaal halka qaarkood (Hablaha da’doodu hooseyso Guur wadareed lagu khasbo.

Dowladda Federaalka waxaa looga fadhiyaa iney xoojiso wacyi gelinta Warbaahinta ee Waalidka iyo Caruurta si loo kasbado quluubta Waalidka, Dhalinyarada iyo Caruurta korna loo qaadaa Ololaha propogandada si loo cabsi geliyo Dhalinyarada ku dhiiraneysa iney ku biiraan Jihaadka beenta ah, so kastaba ha ahaateen Ololahaan waxaa wiiqi kara Oo kaliyah Waa Abaaraha iyo Khilaafka Dowladda Federaalka dhexdeeda ah iyo kuwa Maamulada.

191880cookie-checkSi looga Hortago Kobaca Shababka Dowladda Federaalka Waa iney Hirgelisaa Barnaamijyada Dhiiri-gelinta Dhalinyarada