Mashruuca Howlgelinta ee Argagixiso la Dirirka & Dib u Heshiisinta Mareykanka ee Somalia & Xogta ka Dambeysa..

Somalia news U.S.

Inkastoo Ujeedada Mareykanka aysan aheyn sidii loo xakameyn laha Argagixisada Shabaabka, balse si yoolkaasi loo gaaro Dowlada Mareykanka waxey adeegsatay farsamooyin kala duwa sida duqeymaha ka dhanka ah kooxda iyo inuu muddo Tababaro iyo Howlgelin ku hayay Cutubyada Ururka “Danab” si ay u fuliyaan duulaanada dhulka ah…

Horaantii 2000-dii, Xiligii Bush Saraakiisha USA waxay ku mashquulsanaayeen Ciraaq iyo Afgaanistaan, Halka Hay’adda CIA-da ay buuxisay siyaasad aan waxba ka jirin, iyadoo dhaqaale ku naas nuujin jirtay Dagaal oogayaashii Dagaalka si ay u soo helaan una soo qabtaan Xubno ka tirsan Al-Qaacidada Somalia, iyadoo Khabiirada Arrimaha Amniga gudaha ay doodka keeneen in habka Saraakiisha CIA-du uu yahay mid aan miro dhal aheyn oo sii xoojiyay Saadaasha aheyd soo if bixii Horgalada Maleeshiyaad Mayal adag oo Islaami ah.

Xasilooni la’aanta joogtada ah ee Dalka iyo Isbedelada dhanka awoodda ah ee Maamulada jilicsan ee musuqa hareeyay ee Dowladda Federaalka, ayaa Khubaradu qabaan iney dhiiri gelisay in Kooxaha Argagixisadu isku balaariyaan Konfurta iyo Bartamaha Dalka, Balidoogle waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya, qabqablayaal dagaal, Al-Shabaab iyo ciidamo caalami ah, AMISOM ayaa saldhiga la wareegtay sanadkii 2012-kii, waxaana ciidamada Mareykanka ay halkaasi tababaro uga bilaabeen ciidamada Danab sanadkii 2014-kii.

Sanadkii 2019-ka Maraykanku wuxuu Somalia ka fuliyay tiradii ugu badnayd ee duqeymo (63), Tirada duqaymaha cirka ah ee sanadkaasi oo kaliya ayaa kor u dhaaftay wadarta (60) duqeymaha cirka ah ee la qaaday laba iyo tobankii sano ee ka horeeyay, kuwaasoo isugu jiray labada xilli ee maamulka Obama iyo tan labaad ee maamulka Bush. (B) Xogta kooxda Shabaabka ayaa muujineysa sida ay kooxdu u sii waday boqolaal fal argagixiso oo dhimasho wata sanadkaasi, oo ay ku jirto qaraxii ka dhacay afaafka hore ee garoonka Balidoogle bishii September, Iyadoo aysan ka muuqan shaxdan, bishii koowaad ee sanadkii xigay, Kooxda Shabaabka ayaa weerar adag ku qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ee ku sugan saldhigga Manda Bay, Kenya 5-tii Janaayo 2020.

Talooyinka Siyaasadeed & Amni
Maamulka Washington iyagoo ka duulaaya khibrad xumid Kooxaha ka gadisleya siyaasada ee Somalia, ayaa inta badan farta lagu godaa iney sabab u yihiin gaabiska ku yimid howlgalada dhanka ka kooxaha Argagixisada, iyadoo la xusay iney jiraan habab kale oo ka duwan qaabka hadda loo wajahayo la-dagaalanka Kooxahaani kuwaasoo ku dhiiraday iney tiro badan oo Gadiid iyo hub ka qabsadaan Ciidamada Dowladda Duulaanka Dowlada Federaalka, halka Dekadaha Dalka Baad ka qaadaan, Muwaadiniintana ku qasbay iney Cadaalad u raadsadaan.

Siyaasadda Maraykanka oo dheeli tiran ayaa mudnaan sare siin doonta taageeridda dadaallada xasilinta Somalia iyo ka gungaarida dadaallada lagu gaarayo dib-u-heshiisiinta dhamaan heerarka kala duwan ee Bulshada iyo Dowladda Federaalka, Muddada dheer, dadaallada dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ku jiraan wada-xaajood lala galo kooxda Shabaabka, In kastoo wada-hadalladaasi ay noqon lahaayeen kuwo ay Soomaali hormuud ka tahay, haddana Mareykanku wuxuu isu diyaarin karaa suurtagalnimada in Villa Somalia ay marti geliso, iyagoo tilmaami kara in marka waqtigu ku haboon yahay uusan hor istaagi doonin qabsoomida Kulankaasi oo ay daba ka riixayaan Dalka Qater.

265650cookie-checkMashruuca Howlgelinta ee Argagixiso la Dirirka & Dib u Heshiisinta Mareykanka ee Somalia & Xogta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com