Digniino Laga soo Saaray Xeelaha Cusub ee Argagixisada & Damananta Koox Diimeedka Villa Somalia..

Security Somalia news

Macluumaad Amaan ayaa ka digay xeeladaha cusub ee laga soo minguuriyay Dalalka Bariga dhexe isla markaasna siminaaro lagu siiyay kooxaha Argagixisada Somalia ka howlgala kuwaasoo la xaqiijiyay in Maleeshiyaadkii kaga naafoobay dagaalada, Caruur iyo Haween loo diyaariyay iney ku fal galaan is-Miidaamiyayaal…

Xogtaan ayaa xaqiijisay kooxda Argagixisada Shababka oo xiligaan wajahaaya Maleeshiyaad cusub yari & tirada Dhaawacyada oo aad u batay ayaa lagula taliyay iney Howlgalada Ismiidaaminta iyo Is-qarxinta u adeegsadaan Dhaawacyada, Jiisaaska (Naafada) una badan kuwa lugaha ka qaba, Haweenka iyo Caruurta si looga hortago Duulaanka qorsheysan ee Dowlada iyo Xoogaga Degaanada.

Dadka Naafada ah ayaa Xiligaan tixgelin balaaran ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyagoo qadarin ku hela goobaha iyo xarumaha ay booqdaan, iyadoo digniino fejignaan xambaarsan laga soo saaray, xeeldheerayaasha ayaa yaqiinsan in Farasamadaan cusub ay kooxda Shababku u qorsheysay iney Weeraro kaga fuliso Caasimada iyo Xarumaha Maamul goboleedyada.

Qaraxyada Is-Miidaaminta xambaarsan ayaa si fudud dhagar qabaha ku tegi kara Goobaha Shacbigu ku badan yahay, maadama aan laga aqoonsan karin bulshada isugu timaada goobaha lagu caweeyo, ku darsoo Damanaanta Kooxda Xasan Gurgurte oo Xiligaan mashquul ku ah Dhul boob baahsan ee Dhulalka Danta guud ee Dalka isla markaasna Xilalka Amaanka u xushay xubno aan aqoon durugsan u laheyn kuwaasoo u shaqeeya Dalal shisheeye.

338320cookie-checkDigniino Laga soo Saaray Xeelaha Cusub ee Argagixisada & Damananta Koox Diimeedka Villa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com