Dabley Hubeysan oo Samafale (Wariye) Ku Dilay Magaalada Cabud-waaq iyo Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan oo ilaalo ka ahaa Xarunta Agoonta ee Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ay ku toogtay Marxuum Cabdikariin Cali Bulxan kana mid ahaa Wariyayaasha Degaanka, isagoo Goobta ka baxsaday kadib markii ay falka Geystay..

Wararka ayaa sheegaya in Weriyaha oo waayahaan dambe Maamule (Samafale) ka ahaa Xarunta Agoonta ayaa dhaawac ahaan loo qaaday wuxuuna ku geeriyooday Isbitaaalka Degmada oo la dhigay isagoo qaba dhaawac culus oo dhanka madax ah, Laamaha amniga Degmada ayaa la sheegay in isku dayo ay ku doonayeen iney gacanta kugu soo dhigeen Kooxdii ka dambeeyay dilka Weriye ay ku fashilmeen.

Marxuumka ayaa in muddo Wariye ahaan kaga howlgalayay Degmada oo ugu soo waramayay warbaahinta Shabeelle ee fadhigeedu uu yahay magaalada Muqdisho, iyadoo Degmada Caabudwaaq  iyo Degaanada kale ee Galgaduud waxa in mudda ah ka taagan ugaarsi la xiriira colaada Beelaha oo ay ku nafwaayeen Dad Rayid ah oo Soomaaliyeed.

314620cookie-checkDabley Hubeysan oo Samafale (Wariye) Ku Dilay Magaalada Cabud-waaq iyo Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com