Maamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeyay Meel Ka Dhaca ay u Geysanayaan Haweenka Degaanka..

Security Somalia news

Warar hordhac ah oo laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa tilmaamaya in Maamulka Fashilmay ee Jubbaland uu ku amray Xoogaga Amaanka magaalada iney si qasab ah uga furaan Haweenka xiran Indha-shareerka (Niqaabka) ee ku nool magaalada, iyadoo ay dhasheen talabadaani walaac xoogan…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay dardargeliyeen Ololahaan lagu ugaarsanaayo Haweenka, iyadoo todobaadkii ugu dambeeyay la xaqiijiyay iney xoog looga qaaday tiro Boqolaal Haween isla markaasna gubay Indha-shareerka, falalkaan ayaan u muuqan Xoojin Amni balse ay tahay xadgudub uu maamulku ku hayo Haweenka Muslimaadka ah ee ku nool magaalada Kismaayo.

Ololahaan ayaa ku soo beegmaaya xilli lagu wado inuu magaalada Kismaayo ka qabsoomo (Martigeliso) kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana diirada lagu saari doonaa doorashooyinka Maamul Goboleedyada iyo tan Federaalka kuwaasoo Maamulada qaarkood ay doonayaan iney qabsoomaan isku wakhti (2026-ka), waxaana weli ka maqan Maamulka Puntland.

338430cookie-checkMaamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeyay Meel Ka Dhaca ay u Geysanayaan Haweenka Degaanka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com