Ma Dhabaa in Dowladda Federaalka ay Canshuuro ku Soo Rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta & Ganacsatada..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Go’aan ay soo saartay Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka kuna aadan iney kordhin doonto qaadista Canshuuraha VAT 5 boqolkiiba, taasoo ka bilaabaneysa 1-da Abriil ee Sanadkaan…

Tallaabadan cusub waxay khusaysaa ku dhawaad dhamaan Ganacsiyada waaweyn oo ay ku jiraan Shirkadaha Isgaarsiinta, Bangiyada, Xawaaladaha, Ganacsatada iyo Bixiyeyaasha adeegga, Waqtigan xaadirka ah Dowalddu waxa ay ka qaadaa cashuuraha kaliya ee ay ka qaado meheradaha – badeecadaha, jumladaha, Hoteelada iyo Qaybaha wax soo saarka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay 25 boqolkiiba bishiiba 8-dii bilood ee u dambeeysay, Dawladdu waxay filaysaa in dhaqaaluhu kordho boqolkiiba 3.7 sanadkan, Dowladda Federaalka ayaa ka warbixisay koror ku yimid dakhliga gudaha, iyadoo weli dalka uu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa dhaqaalaha Dalka, kadib markii dhawaan Heya daha caalamiga ah ee maaliyadda ay ansixiyeen deyn cafinta.

Kristina Svensson, oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Somalia ayaa sheegtay inkastoo dhawaanahan horumar la sameeyay, haddana heerka dakhliga gudaha uu aad u hooseeyo si loo gaarsiiyo natiijooyin muuqda oo muwaadiniinta ah, waxeyna intaasi raacisay in qeyb muhiim ah oo ka mid ah kharashaadka Dowladda Federaalka ay hadda ku baxdo deeqo, kuwaasoo la filayo in ay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacaan.

318180cookie-checkMa Dhabaa in Dowladda Federaalka ay Canshuuro ku Soo Rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta & Ganacsatada..