Xasan Sheekh oo ka hadlay Kiiska Shilka ah ee uu ku lug leeyahay Wiilkiisa..

Somalia news

Markii ugu horeysay ayaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa ka hadlay xiisada ku gedaaman shilka dhimashada horseeday ee Wiilkiisa kaasoo ka dhacay ka magaalada Istanbul, wuxuuna wiilkiisa kula taliyay inuu dib ugu laabto magaalafaasi oo uu hortago cadaalada maxkamada…

Mr.Xasan oo wareysi siinayay Wakaaladda wararka ee AP ayaa u sheegay in wiilkiisa oo 40 jir Dhaqtar ah uu muddo maalmo ah kusii sugnaa goobta uu shilku ka dhacay ee magaalada Istanbul, “Wuxuu ahaa shil ma uusan ka soo cararin Cadaalada, ee waxa uu u qabsaday qareen u doodaya,” ayuu sheegay Madaxweynaha oo intaas ku daray in aanu jirin wax amar ah oo lagu xirayo wiilkiisa.

“Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto oo uu horyimaado maxkamadda. Laakiin wiilkayga waa nin weyn, “go’aankiisana isaga ayaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay, isagoo tacsi u diray Qoyska Marxuum Gocer sheegayna “Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska Gocer, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro. Waxaan la wadaagayaa murugada geerida wiilkooda.

Hasan ayaa ugu dambayn sheegay inuu Turkigu yahay dal walaal la ah Somalia, islamarkaana uu ixtiraameyo shuruucda iyo caddaaladda iyo nidaamka garsoor ee dalkaasi.

293180cookie-checkXasan Sheekh oo ka hadlay Kiiska Shilka ah ee uu ku lug leeyahay Wiilkiisa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com