Dood Adag oo Ka Dhalatay Abaabulka & Maalgelinta Ciidamada AUSSOM ee Bedelaaya ATMIS..

Africa News Security Somalia news

kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee UN-ka ayaa wuxuu ku oggolaaday Qaraar ay Golaha hor-dhigtay Dowlada UK, kaasoo wakhtiga loogu kordhiyay Ciidamada ATMIS iney Dalka Somalia ka sii howlgalaan ilaa 31-ka Bisha Decembar 2024-ka, Ciidamadaan ayaa waxaa ka mid ah kuwa Ethiopia…

Iyadoo Ciidamadaan Tiradoodu lagu qiyaasay 12,626 oo ay ku jiraan 1,040-Boliis ah, iyadoo Xuuraanada la helaayo ay sheegayaan in saameyn iyo khilaafyo uu hareyn doono Howlgalka cusub ee AUSSOM oo ay meel mariyeen Golaha Amaanka ee AU-da, kaasoo la filaayo inuu bedeli doono ATMIS, bilowga Sanadka cusub ee 2025-ka.

Khilaafka Somalia & Ethiopia

Dowlada Somalia ayaa si cad u sheegtay in hadii aan isbedel muuqda uusan ka imaanin Maamulka Addis abeba kana noqon Heshiiska Dhul/Bad boobka ay la gashay Maamulka Waqooyiga Dalka (Somaliland) aysan kamid noqon doonin Ciidamada Ethiopia Howlgalka cusub ee AUSSOM, waxeyna soo dhaweysay Yabooha Ciidmada ee Dalalka Egypt & Djibouti.

Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda kasheegtay iney ka soo horjeedo in Ciidamada Egypt ay ka mid noqdaan Howlgalka cusub ee AUSSOM, waxeyna ugu baaqday AU & UN-ka iney taxadar ka muujiyaan Ciidamada cusub ee la geynaayo Somalia, iyadoo ugu baaqday iney xaqijiyaan la-tashiyo dhameystiran la la yeesho Dalalka Deriska ah.

Golaha Amaanka oo Isku Khilaafsan Howlgalka cusub ee AUSSOM

Dalalka China iyo Russia oo ka mid ah Xubnaha Joogtada ah ayaa qaba in Dalalka hadda taageerada Ciidamada siiya ee ATMIS ay talo ku yeeshaan Howlgalka cusub iyo qaabka loo qeybsan doono, balse waxey welwel ka muujiyeen khilaafka u dhaxeeya Somalia iyo Ethiopia inuu nuxur tiro doono Howlgalka cusub ee AUSSOM hadii aysan heshiinin, Dalka Mareykanka ayaa qaba in la balaariyo Howlgalka cusub oo laga faa’iideysto yabooha Dalalka Ciidamada ku biirinaaya.

Waxaa kaloo khilaaf ka taagan yahay Dalalka Diyaarka la’ah Maalgelinta Howlgalka cusub, iyadoo Dowladaha EU-da ay sheegeen ineysan diyaar u aheyn iney dhaqaale ku bixiyaan Howlgalka cusub, Halka Dalalka Carabta qaarkood ay muujiyeen iney diyaar u yihiin kuwanaay diideen iney maalgeliyaan Howlgalkaan.

339710cookie-checkDood Adag oo Ka Dhalatay Abaabulka & Maalgelinta Ciidamada AUSSOM ee Bedelaaya ATMIS..