Ma Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu Diyaarado soo Iibsaday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa Safar shaqo oo uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka dhawaan ku tagay Dalka Talyaaniga, halkaasoo uu wada hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Georgia Meloni, dhinacyadaan ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan Amniga, Ganacsiga iyo Horumarinta…

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in heshiiskaan dhex maray Labada Dal uu xambaaraan yahay mugdi badan kaasoo loo arko inuu khatar ku yahay Amniga Qaranka Somalia, isla markaana sii dheereyn kara hannaanka qaadista cunaqabateynta Dalka ee Golaha Amanka loo qorsheeyay inuu ka qaado dhamaadka sanadkaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey Warsidaha Diinah.com in Madaxweynuhu uu Talyaaniga ka soo iibsaday Saddex Diyaaradood oo ka kooban laba Helikopter oo nooca Ciidamada Qaada iyo Hal Jet oo kuwa raaxada ah, Diyaaradaan ayaa markii hore la qorsheeyay in ayaa laga dejiyo Garoonka Aadan Cade oo loo sameeyo goob baarkin joogto ah, hase yeeshee iyadoo laga cabsi qabo in diyaarada ay waxyeelo soo gaarto Duqeynta Kooxaha argagixisada, ayaa Madaxweynaha wuxuu amar ku bixiyay in Garoonka Entebbe ee Uganda la dhigo.

Halka Warar dheeraad ah laga helay qaabka loo iibsaday Diyaaradaha Helicopters-ka, iyadoo loo maray heshiis qarsoodi ah oo uu dhexdhexaadin ka ahaa Sadiiq John Soddogiis (Ismaaciil Cumar Gelle), Diyaaradaha Helicopters ayaa la filayaa in farsiin loog dhigo dalka Jabuuti.

254190cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Somalia uu Diyaarado soo Iibsaday