Miyeey Doorashada dadban Inqilaabeen Golaha Wadatashiga Qaran

Somalia news

Warmutiyeedka maanta ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa u muuqda mid xaliyay caqabado badan oo gedaamnaa Hanaanka Doorashada loo maareeynaayo, inkastoo ay jiraan tuhumo tilmaamaya iney Awoodaha Doorashada qeybsadeen…

Heshiiska ayaa u muuqday inuu ahaa mid si miisaaman u kala qeexay Awoodaha saamaynta ku leh doorashada Aqalka sare, iyadoo ay soo baxaayaan eedo ku Aadan iney Awoodaha Doorashada isku koobeen Wasiirka 1-aad iyo Madaxda Maamulada Gobolada, gaar ahaan la awood tiray Guddiyada Doorashada Heer Federaal.

Qodobada ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka ku jira ayaa ah in Awooda Maamulka Doorashada dadban ay inqilaabeen, iyadoo loo bedelay Xulitaan ayna daaha gadaashiisa ka maamulayaan Siyaasiyiin halkii ay ka aheyd Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada soo xulaan, waxaana ka mid ah:-

-Guddiga Doorashada ee Heer Federaal (FIET) oo la awood tiray.

-Rooble oo la wareegay Maamulka Doorashada Somaliland.

-Maamulada Gobolada oo si dadban ula wareegay Doorashada.

136850cookie-checkMiyeey Doorashada dadban Inqilaabeen Golaha Wadatashiga Qaran