Ethiopia oo Xirtay Xadka Ay la Wadaagto Somalia Iyagoo Xakameeyay Isu-socodka Dadka 

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u xaqiijiyay Warsidahaan in Dawladda Ethiopia ay go’aano adag kasoo saartay isu socodka Dadka socotada ah ee istimaala xadka ay la wadaagto Somalia, waxaana lagu wargeliyay Maamulada Somalia iney xuduud wadaagta yihiin in la joojiyay isu socodkii Dadka labada dhinac…

Wararka ayaa sheegay in Dowlad Degaanka Soomaalida oo fulinaya go’aan ka soo baxay Dowladda Dhexe ee Ethiopia uu ku wargeliyay Maamulada ay xaduud wadaagta yihiin in la xiray, waxaana loo sheegay Maamulada in qof kasta oo aan wadan waraaqda cadeynta deganaanshaha DDS, uusan u soo gudbi karin degaanka, marka laga soo tago qof leh damiin.

Talaabadaan ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda argagixisada ah ee Shabaabka ay weeraro uga qaaday DDS, degaannada saaran xaduudka ee Gobolada Bakool iyo Hiiraan oo kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

205420cookie-checkEthiopia oo Xirtay Xadka Ay la Wadaagto Somalia Iyagoo Xakameeyay Isu-socodka Dadka