Xafiiska UN-ka Somalia oo soo Saaray Digniino Amni..

Security Somalia news

Qoraal Digniin Amaan xambaarsan ayaa ay soo saareen mar kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee xarunta Xalane, taasoo muujineysa inay dhici karaan weeraro argagixiso oo loo adeegsado Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay iyo Maleeshiyaad hibeysan oo ka dhici kara xarumo kala duwan oo Muqdisho ah…

Digniintaan ka soo baxday Xafiisyada Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa looga digay in la bartilmaameedsado Shaqaalahooda Caasimada ku sugan, iyadoo lagu sheegay in goobaha la weeraray ay ka mid yihiin Hoteellada, Koontaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia, Wasaaradaha iyo Moolasha iyo Maqaayadaha Xeebta Liido, Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagula taliyay inay ka fogaadaan meelahan laga yaabo in la beegsado waxaana lagu dhiirigelinayaa inay joogaan guryahooda, xarumaha amaankooda ah, iyo goobaha kale ee nabdoon.

Digniintan amni ee ka soo baxday xarunta Xalane ayaa mararka qaar loo arkaa mid lagu kalsoonaan karo, balse mararka qaar waxaa loo arkaa kaliya taxadar la doonayo in lagu baraarujiyo Shacabka Soomaaliyeed, bacdamaa tiro dhowr jeer oo qoraalo ay soo saareen Xafiisyada USA, UK iyo UN-ka Somalia ay noqdeen kuwo aan dhicin.

339820cookie-checkXafiiska UN-ka Somalia oo soo Saaray Digniino Amni..