2-Qarax oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso Xilli laga Cabsi qabo Gacan ka hadal

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya inuu ka dhacay 2-Qarax Bam-ka Gacanta (F-one), oo lagu tuuray dhismaha Hoteelka Jaabir gadaashiisa, kaasoo la sheegay inuusan geysan khasaare marka laga rebo dhawaqa qaraxa oo Dad badan cabsi geliyay…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxyada lagu weeraray Hoteelka ayaa la sheegay iney deganaayeen Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxaana Guddigaan lagu eedeeyay iney wadaan olole hubeysan oo dhinac ah, sida ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka.

Waxeyna ugu baaqeen Mr.Dani inuu joojiyo is-diiwaan gelinta hubeysan, gudaha magaalada ayaa laga dareemay maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan, kadib markii Ciidamo aad u tiro badan la geeyay magaalada, kuwaasoo la dejiyay qaar ka mid ah Dugsiyada Waxbarashada, iyadoi laga cabsi qabo inuu ka qarxo dagaal.

Shacbiga magaalada syaa bilaabay iney ka qaxaan xaafado ka mid ah Degmada Boosaaso gaar ahaan goobaha ku dhow meelaha loo qoondeeyay in lagu qabto diiwaangelinta Doorashada, maadama ay aad u korortay cabsida laga qabo iney isku dhacaan Xoogaga Taageersan Maamulka Dani iyo Xisbiyada Mucaaradka.

235380cookie-check2-Qarax oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso Xilli laga Cabsi qabo Gacan ka hadal