Xog:-Imise Kursi Ayaa Doorashada Baarlamaanka Ka Harsan

Somalia news

Inkastoo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowaldda Federaalka ay qabteen inta badan doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa waxay haddana weli kuraas ku harsan yihiin Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabelle.…

Maamulada Konfur Galbeed iyo Galmudug ayaa doorashada ku soo gebagabeeyay muddadii lagu heshiiyay oo ku beegneyd 15-kii bishan, halka Maamulka Puntland ay u suurtagashay shalay (Jimco) inay qabato doorashada 6-dii kursi ee ku harsaneyd.

Golaha Shacabka oo ka kooban 275-Xildhibaan ayaa waxaa ilaa iyo hadda la doortay 242 Xildhibaan (88%), waxaa dhiman 33-Xubnood (12%),halka 190-Rag yihiin iyo tiro 50 ay Dumar yihiin, Jubbaland ayaa waxaa ku dhiman 20-kursi halka Hir-shabelle ay u harsan tahay 13-kursi.

Kuraasta baaqiga ku ah Jubbaland, 4 ka mid ah waxay yaallaan Magaalada Kismaayo, kuwaasoo maalmaha soo socdo lagu wado in doorashadooda la qabto, halka kuwa yaala deegaan doorashada 2aad Jubbaland ee Garbahaarey aan la garanayn goorta doorashadooda la qaban doono.

Guddiga Doorashada Jubbaland waxay Talaadadii shaaciyeen in muddo laba toddobaad ah ay ku qaban doonaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Dhanka kale kuraasta ku harsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxay 9-ka mid ah yaallaan Magaalada Beledweyne, kuwaasoo qaarkood ay caqabad ka taagan tahay. Beledweyne waa degaan doorashada 2-aad ee Hirshabelle.

176050cookie-checkXog:-Imise Kursi Ayaa Doorashada Baarlamaanka Ka Harsan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com