Ma Dhabaa in Khilaaf & Muran Hareeyay Howlihii Shaqada Wasaarada Qorsheynta Qaranka & Sababta..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa muran iyo Khilaaf xoogan oo curyaamiyay howlihii Wasaarada Qorsheysan Qaranka, kadib markii Wasiirka Wasaarada uu xilka ka xayiubiyay Agaasimaha Tirakoobka Wasaarada, kadib talo soo jeedin ka timid Hey’adda Tirakoobka, balse waxaa Go’aanka Wasiir Kuxigeenka…

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Hey’adaha Tirakoobka Qaranka (Somali National Bureau Statistic) ay qoraal sumadiisu tahay Ref:HIQS/XGM/003/2024 kuna taarikheysan 21-kii-08-2024, ayeey talo ugu soo jeediyeen Wasiirka Wasaarada Qorsheynta in Xilka laga qaado Agaasimaha Hey’adda Tirakoobka Qaranka Mr.Sharmaarke Maxamed Faarax, iyagoo ku eedeeyay inuu hor istaagay Howlihii Guddigaan loo igmaday, waxeyna ka codsadeen in Xilka laga xayuubiyo.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaarada Mr.Maxamuud Beene-Beene uu xilkii shaqada ka xayuubiyay Agaasimaha Tirakoobka (Statistics) Qaranka Sharmaake Max’ed Faarax, Waxaase la yaab noqotay in Wasiir kuxigeenka Wasaarada Mr.Maxamed Cabdulqaadir uu buriyey Go’aanka Wasiirka kuna tilmaamay sharci daro. (fiiri Lifaaqa hoose).

340600cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf & Muran Hareeyay Howlihii Shaqada Wasaarada Qorsheynta Qaranka & Sababta..