Shirka Dhuusa mareeb Iyo Nuxurka Heshiiska

Somalia news

Sida ka muuqata hadalkiisa Mr.Farmaajo wuu is dhiibay kana tanaasulay fikirkiisi ahaa “Qof iyo Cod” waxa uuna yiri waan isku soo laabaneynaa marka aan soo sameyno la tashiyo taageerayaasheyda, Xildhibaanada iyo Danjirayaasha….

Mudadii uu Shirka socday Waxaa culeys siyaasadeed ku noqday inuu hal mar iyo hal goob uga tanaasulo wixii uu ku akhrinayay, Kooxdiisa iyo taageerayaashiisa oo ay ku jiraan madax iyo xildhibaano badan, sidoo kale waxa uu xajin waayay culeyska ay saareen madaxda maamulada iyo beesha caalamka, wuxuuna hada u muuqdaa nin oday ah oo yiri “bal marada ii celiya si aan tartiib isku soo furdaamiyo asxaabteydana kusoo qanciyo iney socon weysay wixii aan rabnay”.

Sidoo kale madaxdii kale ee hadashay ayaa laga garan karaa guusha ay sheeganayaan iyo sidey ugu qanacsan yihiin wixii ay miiska hoostiisa kusoo heshiiyeen balse aan shacabka lala wadaagi karin duruufaha jira darteed, waxeyna ku wada qanceen in la isku soo laabto iyadoo howshu sidii hore ka dabacsan tahay kana fududahay.

Waxaa la isla meel dhigay in la aado doorasho dadban, waxaana meesha ka baxaya shuruuc fara badan oo ay xildhibaanada aqalka hoose ansixiyeen, sidoo kale waxaa gaabis noqon doona hadaanba la wada joojin howlaha Barlamaanka.

Ugu dambeyntii, shaki ku jirin iney Kala furteen Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Dowlada, waxaadna ka garan kartaa muuqaalkaan.

Waxaan Sugnaa Dhuusa mareeb-3

49800cookie-checkShirka Dhuusa mareeb Iyo Nuxurka Heshiiska