Maxaa la run ah in Kooxaha Argagixisada laga soo Daabulaayo Dhulka Buuraleyda ah ee Sanaag

Somalia news

ilo wareedyo loo qaateen ah oo ku dhow Laamaha Amniga, ayaa sheegay in kooxaha Argagixiso ee ku jira dhulka Buuraleyda ee Gobolka Sanaag kana go’odoonsan dhinaca Puntland, ayaa 2dii maalmood ee lasoo dhaafay ka waday dhaqdhaqaaq una soo dagay dhinaca dhulka xiga magaalada Ceerigaabo ee Somaliland oo u furan…

Wararka ayaa sheegay in Qeybo kamid ah Maleeshiyaadkaan oo u socda qeybo-qeybo ayaa la sheegay iney Gaafiid ka qaadeen goob ka durugsan degaanka Milxo, iyadoo ilo wareedyadu qirayaan in gaadiidkaas ay lahaayeen Astaanta Taarigada ee Somaliland.

Dhaqdhaqaaqyadaan ayaa ku soo beegmay xilli dagaalada ka socda duleedka magaalada Laas caanood ay galeen maalintii 25-aad, iyadoo Maamulka Puntland ay ku eedeeyeen Maamulka Hargeysa in qaar kamid ah maleeshiyaadka Shabaabka ee kasoo jeeday Beesha Somaliland ay isaga baxeen buuraleyda Puntland, loona wareejiyay dhanka degaanka Ceynabo ee Gobolka Togdheer, kadib markii Xoogaga Somaliland dib u dhacyo iyo guuldarooyin ka soo gaareen dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

244420cookie-checkMaxaa la run ah in Kooxaha Argagixisada laga soo Daabulaayo Dhulka Buuraleyda ah ee Sanaag
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com