Maamulka SSC Khaatumo oo Digniin culus ka soo saartay Safarka Muuse Biixi ee Sanaag..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa digniino adag oo Hogaanka sare ee Maamulka SSC Khaatumo ka soo saareen Safarka maalmahii u dambeeyay uu Madaxweynaha Somaliland ku marayay qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag, iyagoo ka digay in Degaanada Gobolka Colaado laga abaabulo…

Qoraal kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu yahay mid daandaasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo deegaanada SSC Khaatumo, Digniintaan kasoo baxay Khaatumo ayaa sidoo kale lagu sheegay in Khaatumo ay dooneyso xasiloonida gobolka, hayeshee mar walba ay u diyaarsan tahay difaaca deegaanadeeda iyo iska dhicinta cid walba oo ku soo xadgubta.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxafeedka ku sheegay in dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka ay la socodsiinayaan daandaansiga iyo colaad hurinta madaxweynaha Somaliland, islamarkaana haduu dagaal cusub dhaco ay keeni doonto cawaaqib xumo aan la dhayelsan karin.

340700cookie-checkMaamulka SSC Khaatumo oo Digniin culus ka soo saartay Safarka Muuse Biixi ee Sanaag..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com