Gobolada Dalka Si Xowli ah Loo Soo Geliyo Maandooriyaha & Khamriga

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay soo gelitaanka sharci darrada ah Ee Somalia Xashiishada iyo Khamriga, iyadoo inta badan si qaraoodi ah looga soo dhoofiyo Dalalka Ethiopia iyo Kenya, waxaana la sheegay in kooxo kala duwan ay ku lug leeyihiin soo gelinta Dalka Mandooriyaha…

Todobaad ka hor ayeey aheyd markii ay isku dhaceen Koox ka Ganacsata Xashiishks iyo Xoogaga Amaanka Magaalada Berbera, iyadoo la sheegay in Taliye kuxigeenka Saldhigga Boliiska (Axmed Cawaale) ay dhaawac culus u geysteen kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay gudaha Magaalada.

Kooxdaan ayaa xogtu tilmaamtay in Shaqaalaha Maraakiibta Ganacsiga ka iibiyaan Xashiishada, iyagoo ka soo dhoofiya Dalalka Ethiopia iyo Kenya, iyadoo aysan jirin cid iska xil saartay iney ka hortagaan khatarta Maandooriyaha oo si furan suuqyada Dalka lagu iibiyo.

Dhanka kale, Xoogaga Amaanka ayaa ku guuleystay iney soo qabtaan khamri tiradiisu lagu qiyaasay 805-Litir, iyadoo ay ku jireen 28-cartoon, iyadoo loo waday suuqyada Magaalada Hargeysa, Khamriga lagu farsameeyo Dalalka Ethiopia iyo Keny ayaa si fudud lagu soo geliyaa Xuduudaha Dalka.

138140cookie-checkGobolada Dalka Si Xowli ah Loo Soo Geliyo Maandooriyaha & Khamriga