Bacaadka Guur-Guura Oo Dhibaato ku Haya Qoysas ku Nool Degaano ka Tirsan Gobolka Mudug..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaano hoos taga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Qeylo dhaan ay ka soo yeereyso 300-Qoys oo ku nool Degaano hoos taga Gobolka Mudug kuwaasoo Dhibaatooyin ay ka mid yihiin Bacaadka Guur-guura, biyo yari iyo Raashin La’aan…

Wararka ayaa sheegaya in 300 oo qoys oo billowgii bishan Ogosto ka soo barakacay dagaal beeleed ka dhacay tuulada Hir-salaama ee gobolka Mudug, kuwaasoo iskugu jira Xoolo-dhaqato, Ganacsato iyo xoogsato nolol-maalmeedka la soo bixi jiray, iyadoo Barkacaan Qoysaskaan uu bidday xoolo yari, markii jidka ay uga soo dhinteen 40 ari ah oo baad iyo biyo la’aan ay ku dhacday.

Inkastoo Qoyasaskaan Colaad Qabiil ka soo badbaadeen, haddana waxaa u Bedeshay dhibaato nololeeda, iyagoo xusay in carruurtooda ay la qabsan la’yihiin bacaadka saameeyay Degaanka, kaasoo xabaalaya ceelasha, Baraagaha iyo xitaa Guryaha ka sameysan Aqal Soomaali iyo baraakooyinka, waxeyna ugu Baaqeen Hey’adaha Gargaarka iyo Dowlada Federaalka iney u soo gurmadaan.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Qoysaskaan degaanada ay tageen ay kala kulmeen Bacaadka Guurguura, iyadoo la sheegay in Degaanka laga isticmaalo Booyado Biyaha laga iibsado kuwaasoo degaano fog ka keenaan qiimo sarena lagu iibiyo Biyaha oo halkii Fuusto lagu iibiyo 20-US$, Waxaa sabab u ah qiimaha sarreeya ee biyaha bacaadka guur-guura oo inta badan ceelashii aasay iyo waddooyinka soo gala deegaanka oo bacaadku halakeeyay.

340770cookie-checkBacaadka Guur-Guura Oo Dhibaato ku Haya Qoysas ku Nool Degaano ka Tirsan Gobolka Mudug..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *