Ma Dhabaa in Madaxweynaha Kenya Uu Dhexdhexaadinaayo Somalia & Ethiopia..

Africa News Somalia news

Macluumaad loo qaateen ah ayaa daaha ka rogay in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu ka qoomameeyay Talo xumadii ay siiyeen Saraakiishii TPLF oo uu dhawaan heshiiska la gaaray, iyagoo la sheegay in Maamulka Somaliland ka soo dhameeyeen Heshiiska Is-af-garadka Ethiopia la gashay Maamulkaasi..

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Abiy uu ka codsaday Madaxweynaha Kenya inuu wada hadalaiiyo Madaxweynaha Somalia kadib markii uu ku hungoobay Shirkii Kampala uu isna ka codsaday Madaxweynaha Uganda inuu dhexdhexaadiyo inkaatoo shaki badan laga muujinaayo qorshaha Abiy Axmed.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magaalada Mogadishu uu soo gaaro Madaxweynaha Kenya William Ruto si uu u bilaabo dhexdhexaadinta Somalia & Ethiopia, ku darsoo Dowlada Kenya ay Sabtidii xariga ka jartay Wado highway ah (5-lines) oo dhirirkeedu yahay 895-KM Iskuna xireysa Nairobi-Addis abeba, waxaa mashruucaan lagu dhisaayo kaabayaasha dhaqaalaha 2-Dal & is-dhexgalka horey u saxiixay Meles Zenawi iyo Mwai Kibaki, inkastoo ay jiraan kala aragti duwanaasho u dhaxeysa labada Dal kuna aadan dal ku galka.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Somalia & Ethiopia ayaa aaminsan in Heshiiska uu Abiy la galay Maamulka Gooni goosadka Somaliland uu ahaa khalad uu ka galay Amniga iyo Adkeynta xeerarka Caalamiga ah iyo duruufaha xiligaan ka taagan Gobolka geeska Africa iyo inuu si weyn uga carooday Cunaqabateyntii laga qaaday Somalia oo uu doonaayay inu afduub iyo saameyn Siyaasadeed Ciidamadiisa ku yeeshaan Somalia mustaabalka dheer.

302920cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha Kenya Uu Dhexdhexaadinaayo Somalia & Ethiopia..