Boliiska Gobolka Oo Shabakad isku xiran ka qabatay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu

Somalia news

Howlgal ay ka fuliyeen Xoogaga Amaanka ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Boliiska ayaa Garoonka Diyaaradaha Mogadishu ayeey ku qabtay Shabakad isku xiran kuwaasoo lagu eedeeyay iney wadeen falal ja baxsan sharciga iyo wax is-dabamarin..

Wararka ayaa sheegay in Kooxaha Baarista Boliiska ay xabsiga dhigeen 5 Sarkaal oo ah oo qeyb ka ahaan Shabakad ballaaran oo Boliiska uga shakisan yahay in ay Musuq-maasuq iyo Wax-isdabamarin  ka dhex wadeen Xafiisyada Maaliyadda iyo lacag-qabashada guud ee  adeegyada dadweynaha ka bixiya garoonka.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Saraakiishaan ayaa sidoo kake lagu eedeeyay inay diyaarsadeen warqado been abuur ah, ayna ku lunsanayeen daqlkhliga Dowladda iyo hantida dadweynaha, Been-abuurtay Buugta iyo Xaashiyaha lacag-qabashada guud ee dowladda ayna Lunsatay dakhli dowladdu leedahay oo ka yimaada Fasaxyada Shaqada (Work permit) Buugta iyo Xaashiyahaas been abuurka ah ayay  kooxdu ku lunsanaysay kuna boobayey lacagta iyo hantida dadweynaha”.

252470cookie-checkBoliiska Gobolka Oo Shabakad isku xiran ka qabatay Garoonka Diyaaradaha Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com