Kulanka Teendhada Afisioni & Caqabadaha Ku Horgudban

Somalia news

Waxaa berito lagu balansan yahay Is-aragii 1-aad Maamulka Farmaajo, 5-ta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada, Wasiirka 1-aad iyo Gudoomiyaha Gobolka Benadir tan iyo markii Uu Fashilmay Kulankii Magaalada Dhuusa mareeb-4 Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wakiilada Beesha Caalamka wuxuuna ka dhacayaa Teendhada Afisioni….

Kulankaan ayaa ah mid aan rasmi aheyn, waxaana loogu talo galay in lagu gorfeeyo Khilaafka jira iyo in lagu heshiiyo Ajandayaasha shirka rasmiga ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa muddo 3-todobaad ah ku sugan Xarunta Amisom ee Xalane, waxeyna ka biyo diideen iney ka qeyb galaan Kulan uu qabanqaabidiisa uu leeyahay Farmaajo iyagoo ku sababeeyay inuu caqabad ku yahay Doorasho wada oggol ah oo dalka laga qabto.

Kaalinta Beesha Caalamka ayaa Kulankaasi ah dhageysi iyo kala dhex gelid hadii loo baahdo, waxaana amaanka sugaaya Ciidamada Mareykanka iyo Amisom kadib markii la kala aamin baxay dhinacyadaan oo mid walba ilaalo aad u Hubeysan wata.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay wataan 4-Qodob oo muhiim ah in ajandayaasha lagu daro kuwaasoo kala ah:-

-Muddo xileedka dhamaaday Ee Farmaajo (Qoro qoraal uu ku wareejinaayo Awoodaha Ciidamada Hey’adda Fulinta).

-Amniga Guud ee Dalka gaar ahaan kan Maamulka Doorashada

-Ka Qeyb galka Midowga Musharixiinta, Wakiilada Xildhibaanada Waqooyiga iyo Bulshada Rayidka.

-Baahida loo qabo Cid damaanad qaada Go’aanada la gaaro, bacmadaa Farmaajo uu ku sifoobay Been iyo balan ka bax.

Garabka Farmaajo ayaa qaba:

-In dib loogu noqdo Heshiiskii 17-kii September, isla markaasna la qaato heshiiskii Baydhabo kadibna la saxiixo lana aado Doorasho.

-In Aan loo oggolaan Wakiilada Beesha Caalamka iney Kulanka goob joog ka noqdaan.

Marka la eego Qodobada ay dhinacyadaan kala wataan Waxaa muuqaneysa inuu farqi weyn u dhaxeeyo taasoo cabsi weyn ku abuurtay Shacbiga Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka in la isku fahmi waayo Kulanka beri loo balansan yahay, Qodobka la xiriira Wakhtiga dhamaaday ee Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu halis geliyo Kulanka qabsoomida Shirka soo Socda.

Taageerayaasha Farmaajo ayaa welwel ka qaba Kulankaan waxeyna sheegeen in Mr.Farmaajo uu horey uga tanaasulay In shirka lagu qabto Teendhada Afisioni sidoo kale wuxuu ka tanaasulay in Goobta ay ilaaliyaan Amisom hadii uu oggolaado in awoodaha Hey’adaha Amaanka iyo Ciidamada uu wareejiyo uusan lahaan doonin rajo dib u doorasho ah taasoo niyad jab ku ah Taageerayaashiisa oo been badan lagu hurdisiiyay.

Hadii lagu heshiin waayay waxey u badan tahay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dib u laabtaan halka Farmaajo ay u qorsheysan tahay Bilasha bisha Ramadan ka hor inuu muddo kororsi ka ansixiyo Barlamaanka, iyadoo Beesha Caalamka ay ka qaadan doonto qaraaro adag Xaalada Somalia

107310cookie-checkKulanka Teendhada Afisioni & Caqabadaha Ku Horgudban