Xildhibaano Mooshin Xasaanada Looga Qaadayo ka diyaariyay Xildhiibaano Kale..

Politics Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul Mooshinka Xasaanada looga xayuubinaayo Xildhibaano kuwaasoo taageeray Dad dibad baxyo u dhigay iney taageeraan yihiin Ethiopia kuwaasoo shir Jiraa’id ku qabtay magaalada Mogadishu,…

Wararka ayaa sheegaya inta la xaqiijiyay inay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in xasaanadda looga qaadayo 25 Xildhibaan, iyagoo lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabo kasoo horjeedda qarnimada Soomaaliyeed, ka dib markii ay taageereen dibadbaxyo lagu taageerayay joogitaanka ciidamada Itoobiya, kaasoo ka dhacay 2 degmo oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Mooshinkan ayaa la sheegay in aanu weli qabanin Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Aadan Madoobe, inkastoo Xildhibaanada soo diyaariyay ay eedeumo culays dushs u saareen in Guddoomiyuhu ka diiday inuu ka guddoomo mooshinka ay wadaan.

Warar aanu maanta helayno ayaa waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu baajiyay fadhiga maanta uu yeelan lahaa baarlamaanka, sababa la xiriira buuqa ka dhashay xildhibaanada mooshinka wada, Xildhibaanada wada mooshinka ayaa lagu eedeeyay inay madaxtooyadu gadaal ka riixayso, si loogu guulaysto in tallaabo laga qaado Xildhibaanada taageeray joogitaanka ciidamada Ethiopia.

341930cookie-checkXildhibaano Mooshin Xasaanada Looga Qaadayo ka diyaariyay Xildhiibaano Kale..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *