Boliiska Libya Oo Qabtay Soomaaligii Ka Ganacsan jiray Muhaajiriinta

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dalka Libya ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Dalkaasi ay gacanta ku dhigeen shaqsigii Soomaaliga ahaa ee ugu caansanaa Tahriibinta Soo galootiga (Humane Smuggler), kaasoo la sheegay inuu xiriir la leeyahay kooxaha ka Ganacsada Tahriibka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in 11-kii Bishaan Xafiiska Xeer ilaalinta Libya ayaa xaqiijiyeen Aqoonsiga iyo Qabashada Ninka Soomaaliga (Xasan Qidi) oo isku xiraayay Kooxaha ka ganacsada Tahriibka Dalka Libya, kadib howlgal ay fuliyeen Ciidamada Guutada 444-aad ee Bani waliid.

Eedeysanaha ayaa lagu Eedeeyay dembiyo la xiriira dilal, jir-dil, Kufsi daraasin Haween ah, ka Ganacsi Xubnaha Muhiimka Ee Aadanaha, xarig sharci darro ah uu kula kacay Muhaajiriin Soomaali iyo Afrikaan ah kuwaasoo Dalkaasi u tagay iney Dalalka Midowga Europe ka galaan, isagoo ku qasbay Ehelada Muhaajiriinta iney dhaqaale u diraan si loo badbaadiyo Dadka u xiran Eedeysanaha.

Eedeysanaha iyo Kooxaha la shaqeysta ayaa la sheegay iney beer ku taal dalkaasi ay xabsi ka dhisteen, iyadoo lagu ciqaabi jiray Dadka Tahriibka u tagay Dalkaasi, sidaas Waxaa sheegay Madaxa ka hortagga ka ganacsiga Tahriibka Mr.Basheer Garba Mohammed.

140520cookie-checkBoliiska Libya Oo Qabtay Soomaaligii Ka Ganacsan jiray Muhaajiriinta