Gobolada Soomaalida-Kenya Oo La Qorsheeyay In Dhaqaalaha Laga Dhimo.

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in qorshe laga soo diyaariyay Madaxtooyada loona soo dhiibay Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sarre ee dalka, ayaa gudbiyey mooshin ku saabsan in la dhimo dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku taageerto gobolladda waqooyga dhaca oo ay kamid yihiin kuwa ay Soomaalida degto….

Xildhibaanadda mooshinkan riixaya ayaa doonaya in dhaqaalahaas loo weeciyo gobolo kale oo ay tibaaxeen in ay ka bulsho badan yihiin, Cadadka dhaqaalaha la dhimayo waxay gaareysaa 30%  sharci-dejiyeyaasha Soomaalida ayaa kala qeybsanaan ku wajahaya arrintaan, qaarkood waxay ka muujiyeen carro, halka kuwa kale ay taageereen.

Shacabka waxay dhankooda yihiin kuwa sidaas ugu kala duwan, Dhinacyadda Soomaalida ee taageersan la dhimo dhaqaalaha ayaa ku doodaya in lacagta aan looga faa’iideen dadweynaha isla markaana ay si gaar ah u isticmaalaan mas’uuliyiinta xafiisyadda sarre fadhisa.

Faaduumo Geedi oo laga soo doorto Wajeer ayaa kamid ah xubnaha sidda furan u taageeray mooshinkaas, uguna baaqdey madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu ismaamulka hoos geeyo dowladda dhexe sidda Nairobi.

Aqalka Sarre wuxuu hakiyey ka doodista ajendahaan.

Gobolada Marsabid, Isiyeelow iyo Mooyaale ayaa kamid ah kuwa Soomaalida degto ee saameynta ugu buuran soo gaareyso,Hase ahaatee, madaxda gobolka ay matasho oo cambaareeyay dhawaqa kasoo yeeray Faadumo ayaa ugu baaqay in ay ka laabato.

Aqalka Sarre wuxuu hakiyey ka doodista ajendahaan.

Gobolada Marsabid, Isiyeelow iyo Mooyaale ayaa kamid ah kuwa Soomaalida degto ee saameynta ugu buuran soo gaareyso.

52230cookie-checkGobolada Soomaalida-Kenya Oo La Qorsheeyay In Dhaqaalaha Laga Dhimo.