Maxaa Keenay Kala Furashada Farmaajo & Fahad Horseedayna iney Dhabarka is-Xijiyaan…

Politics Somalia news

Caadiyan Isbaheysiyada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta Xiligaan ee Somalia ayaa ah kuwo ku dhisan Dano gaar ah oo Dal iyo Dad dani ugu jirin, iyadoo dabagal raadraac lagu sameeyay lagu ogaaday in kala-furashada Farmaajo iyo Fahad ay salka ku hayso 3-arrimood:-

Dhaca Hubkii & Saanadkii lagu Boobay Galguduud.

Xuuraano loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Hubkii & Saanadii ay dhaceen Maleeshiyaad ku heyb ah Farmaajo ay iibsadeen Xildhibaan Cabdullahi Kulane Jiis iyo Fahad Yaasiin inkastoo aysan calfan 7-Millions US$ ee loo balanqaaday iney siiyaan 3-Ganacsato iyo Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka hadii uu xadka si nabad ah uga soo talaabo, Heshiiskaan waxaa aad uga carooday Farmaajo inkastoo uusan dhaqan gelin.

Xiriirka Dowladda Qatar iyo Jiheynta Siyaasada & Doorashada Kooxda.

Intii uu Farmaajo Degenaa Magaalada Dooxa waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo Sirdoonka Qatar oo markii hore uu Wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin, Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, ilaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii hore, iyadoo Fahad lagu eedeeyay inuu xun u maareeyay dhaqaalihii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022.

Macluumaad ayaa sheegaya in Farmaajo & Fahad ay isku qabteen Jiheynta Siyaasada & Doorashada Galmudug, iyadoo uu Farmaajo aad ula dhacay in dib u doorashada Mr.Qorqor halka Fahad Yaasin ka biyo diiday, wuxuuna soo jeediyay in la taageero Xasan Cali Kheyre ama musharax kale oo kasoo jeeda Beesha Waceysle (Abgaal) si loiga hor taga Musharixiinta kale ee Beelaha Habar gidir.

Xiriirka Farmaajo & Sheekh Shariif

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in todobaadyadii tagay ay Wakiilo ka kala socda Farmaajo & Sheekh Shariif ku kulmeen Dalka Turkiga waxeyna ka wada hadleen sidii ay Isbaheysi u dhisan lahaayeen, iyadoo Wakiilada Kooxda Shariif ay shuruud uga dhigeen in Fahad & Cabdullahi Kulane laga saaro Isbaheysiga Farmaajo waxaana ayiday aragtidaasi Wakiilada Farmaajo.

Falanqeeyayaasha Siyaasada ayaa yaqiinsan in kala furashada Farmaajo & Fahad uu saameyn badan ku yeelan doono jihada Siyaasada Dalka iyo doorashada soo aadan, iyadoo Taageerayaasha Farmaajo ay intooda badan qabaan inuu Fahad khiyaameeyay, lagama hor dhici karo cawaaqibka ka dhalan kara kala taga iyo Cidda ku faa’iidi doonta.

Sikastaba, kala furashada Farmaajo & Fahad ayaa sawir guud ka bixineysa in Saaxiibtinimada Siyaasada Somalia aysan marwalba u laheyn mid waareysa xitaa hadii tanaasulaad badan la isla yimaado, ku darsoo Siyaasadu Saaxiib joogto ah ma leh ee dano joogta ayeey leedahay oo Beesha si indho la’aan ah kugu taagereysa.

342070cookie-checkMaxaa Keenay Kala Furashada Farmaajo & Fahad Horseedayna iney Dhabarka is-Xijiyaan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *