Shirkadaha Xawaaladaha u dira Somalia oo Caqabado xooggan ay la soo Daristay 

Somalia news

Wararka dheeraad ah ayaa laga gelayaa Shirkadaha Lacagaha u dira Somalia ee fadhigoodu yahay Sweden ayaa waxaa la soo daristay walwal wayn oo sabi kara in bisha July 2022 wixii ka danbeeya aanay bankiyada isticmaalin karin dhammaantood…

Sharkadahaan waa kuwo shatiyo haystay muddo 10 sano ka badan, adeeg muhiim ahna u hayay Dadka Qurbojoogta ah ee caawiya Ehelkooda, carruurtooda iyo Waalidiintooda degan Qaaradda Afrika iyo Bariga dhexe.

Lama garanayo sababta Dowladda Sweden waqtigaan u xirayso shirkaddahan. Walow hadda ka hor ay Dowladdaasi ay sheegtay in lacagaha loo diro Somalia ay ka cabsi qabto in lagu maalgaliyo Kooxaha Argagixisada.

Hogaamiyayaasha Jaaliyadaha waxay sheegeen inay la gudboon tahay inay Dacwado ka gudbiyaan Nidaamka Bangiyada Sweden, kuwaasoo lagu eedeeyay in si gaara loo bartilmaameedsado shirkadaha lacagaha u dira Somalia ee haysta ogolaashaha lacag dirista.

204890cookie-checkShirkadaha Xawaaladaha u dira Somalia oo Caqabado xooggan ay la soo Daristay