Madaxweynaha Oo Safar Dibeed Guure uga Baxay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh ayaa xalay u baxay safar kale oo dibadeed isaga oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, ugana sii gudbaya dalka Algeria, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu magaalada Al-geris uga qeyb-galay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, sida ay madaxtooyada sheegtay, Safaradaan cusub ayaa ku soo beegmay laba maalin kadib markii 120 lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, boqolaal qof oo dhaawac ahna ay weli ku jiraan isbitaallada, talabadaan dhalineysa su’aallo ku saabsan in safarka Xiligaan uu ku habboon yahay.

Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortay galay safarro badan, Qaar ka mid ah dadka dhaliila ayaa safarrada qaar ku qeexay kuwa laga baaqsan karay halka taageerayaashiisa ay ku macneeyeen kuwa muhiim u ah xoojinta xiriirka Somalia iyo dalalka caalamka iyo in dowladda ay hesho taageero.

Dalka wuxuu xilligan ku jiraa dagaal ay Shacbiga ay qeyb ka yihiin oo Madaxweynaha uu iclaamiyey, kaasoo toddobaadyadii ugu dambeeyey uu ka muuqday gaabis xooggan, iyadoo ay sii yaraanayaan Degaanada lagula dagaalamayo kooxda argagixisada, waxaana sabab u ah abaabul la’aan iyo isku xirnaanta Dowlada Shacbiga.

222340cookie-checkMadaxweynaha Oo Safar Dibeed Guure uga Baxay Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com