Xog:-Tuhunka Ka Jira Heshiisyada Turkiga & Somalia Oo Mugdi Hareeyay..

Somalia news

Faahfahin ayaa laga helayaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo Su’aalo ka keenay heshiiska lala galay Shirkadda dhistay Hotel Decale oo ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha, isagoo soo bandhigay khaladaad heshiiskaa ku jira loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo Heshiiska..

Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka oo su’aal weydiinayay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Dowlada Federaalka, Fardowso Cismaan Cigaal ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaan uu soconayo 25 sano, lagu khiyaamay Dowladda oo rubuc qarnigaa qaadanaysa 12% oo qura, isaga oo su’aal ka keenay sababta ilaa iyo hada Heshiiska uu KMG u yahay.

Wasiirka, ayaa qirtay inay run tahay in Dowladda Federaalka ay 12% ku leedahay saamiga Hoteelka, taasoo la yaab leh, balse waxay sheegtay inay heshiiskaa gashay Xukuumaddii Farmaajo, waxaysana sidoo kale ballanqaadin in dib loo eegi doono heshiiska, waloow ay qirtay in sidaa la samayn karo.

”Waxaa heshiiska dheef-wadaagga ah ku cad inay DF heleyso 12% oo qura iyo wixii canshuur ah.” ayay tiri Wasiiradda oo isku dayaysa inay canshuurta ka dhigto sidii saami oo kale, Heshiisyada Garoonka & Dekedda ayaa laftoodu sidaa oo kale ah, waxaana heshiiskan DECALE ka muuqanaya in xukuumaddii hore aysan runtii danaha shacabka ee ay mas’uulka ka ahayd u ilaalin si waafaqsan wadaniyaddii iyo qabkii aadka ugu jirey fan-hadalkeeda.

270720cookie-checkXog:-Tuhunka Ka Jira Heshiisyada Turkiga & Somalia Oo Mugdi Hareeyay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com