Ma Dhabaa in Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo ku Dhibaatoonaya Xabsi Ku Yaal Dalka Togo..

Africa News Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in 16 Muwaadiniin Soomaali ah oo Dhalinyaro ah ayaa la sheegaya iney xaalad adag ay ku wajahayaan xabsi ku yaala Dalka Togo ee Galbeedka qaarada Afrika, iyadoo Maamulka Wasaarada Arrimaha Dibeda dhegaha ka fureysatay u gargaarida..

Wararka ayaa sheegaya in Dhalinyaradaan ay Hey’adaha Amaanka Dalkaasi ka qabteen xadka dalkaasi Togo uu la wadaago Dalka Burkina Faso, waxaana jirdil culus loogu geustay xabsiga, taasoo keentay in xaaladooda ay adkaato, iyadoo wararka dhiilada leh ay tilmaamayaan in jirdilo loogu geystay, ayaan darrose ma helin Gargar Qunsuliyeed iyo Mid Safaaradeed ee Somalia, waxeyna magacyadoodu kala yihiin:-

Qaar kamid ah Dhalinyaradaan waalidiintooda ayaa sheegay in mid ka mida ay Haweeney tahay aaney wali waxba u qaban Dowladda Federaalka iyo Wasaarada Arrimaha dibadda, taasoo wal wal ku abuurtay waalidiinta, Waxa ay hadalkooda intaasi sii raaciyeen in xabsiga uu yahay mid adag oo aysan ku nafisi karin, maadaama qolalkiisa ay yar yihiin.

342690cookie-checkMa Dhabaa in Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo ku Dhibaatoonaya Xabsi Ku Yaal Dalka Togo..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *