Xoogaga PSF Oo Gunnoyinkii Howlgalada Loo Oggolaaday

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari (Puntland), ayaa sheegaya in Xoogagii PSF ee dagaalada kula jiray Maamulka Puntland la siiyay Gunnooyinkii iyo habeen dhixii intii ay wadeen dagaalada Buuraleyda Gobolka Bari..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Maamulka Saciid Dani uu oggolaaday in Xoogaga Amaanka PSF la siiyo Gunnoyinkii ay ku howlgalaayeen taasoo dhan 300-US$ iyo habeen dhax howlgaladii La-dagaalanka Kooxaha argagixisada Oo dhan (6-US$ habeenkii), Halka Gunooyinkii la siin jiray Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland Oo ay bixin jireen UAE ayaa la sheegay iney hakiyeen sababo aan la cayimin dartood.

Maamulka Puntland ayaa sheegay iney wadaan dadaalo lagu siinaayo gunnooyinka Ciidamada ilaalada Xeebaha kuwaasoo Dagaalkii Boosaaso qeyb weyn ka qaatay, isla markaasna difaacay Xarumaha Dekeda iyo qeybaha kale ee Maamulka, inkastoo Ergadii Nabadeynta ay sheegeen iney rajo ka qabaan iney si Nabad ah ku soo af jaraan Khilaafka taagan.

159680cookie-checkXoogaga PSF Oo Gunnoyinkii Howlgalada Loo Oggolaaday