Nin Soomaali Oo Loo Qabtay Dilka Xildhibaanka UK

Somalia news World

Wararka dheerad ah ayaa laga. helayaa Nin Soomaali ah ayaa loo qabtay inuu ka dambeeyey dilkii mindida loo adeegsaday ee xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee dalka UK, kaasoo Xildhibaan ahaa laga soo bilaabo 1983-dii, waana Xildhibaankii 2-aad Ee la dilo…

Xildhibaan kaan oo laga soo doorto Essex ayaa u dhintay 12-toorey Oo uu ku dhuftay Wiil 25-sano jir ah Oo Somalia ka soo jeeda, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu dhalay Xarbi Cali Kulane, kaasoo muddo 5-sano ah la sheegay inuu ka tirsanaa Kooxaha argagixisada ee Islaamiyiinta mayalka adag, iyadoo lagu qabtay goobta falka Dilka ka dhacay.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in lagu tooreydii uu Falka Dilka uu ku geystay, waxeyna Boliiska Scotland-yard ay sheegeen inuu falkani yahay mid argagixiso, waxaana loo xil saaray baarista Kooxaha ka hortagga argagixisada, iyadoo goobjooge uu sheegay ““Wuxuu ahaa weerar deg deg ah. Nin ayaa si lama filaan ah mindi ula soo baxay kadibna billaabay inuu ku dhufto David Amess,” ayuu yiri.

146100cookie-checkNin Soomaali Oo Loo Qabtay Dilka Xildhibaanka UK